2000 2001 2002
waxyaabihii ugu waaweynaa ee dhacay sanadkaas waxaa ka mid ahaa
- 11 sebteembar 2001 waxaa la qarxiyey guryaha WTO World Trade Center ee ku yaaley magalada New York
__TOC__
Dhacdooyin
Dhalashooyin
Dhimashooyin
Madaxda Aduunka
Dhaqanka Somalida waa Mid hodan ah oo Cajiid ah Dad weynha aduunkana la yaabeen Dadka somalida isku dhaqan bey ahaayeen mudooyin quruuno ah oo ay ku dhaqmayeen dhaqancaaki wanaagsan
Hordhac
Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu muhiimsan Geeska Afrika waana ka rasmi wadanmada iyo Jabuutiwaxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo ka mida Itoobiya iyo Kenya Waxuu ka tirsan yahay afafka loo yaqaan oo ah laan ka tirsan bahda luqadaha ]Kusheetikna wuxuu ka sii yahay Kusheetik Bari waxaana ku hadla qiyaastii 15 milyan oo qof oo ku nool waddamada ] ] ] iyo ] sido kale waxaa afsoomaaliga ku hadala dadka iygu ah qurbujoogta
Qoristii Af Soomaaliga
Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961 Dood dheer ka dib guddigu wuu talo gafay Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga
18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan Shire Jaamac Axmed i taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag biirayaal bille ah sida "Iftiinka Aqoonta" iyada ay jireen tartan balaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif Ba Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arimo dhaqaale qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale
Olalihii Horumarinta Reer Miyiga iyo Qoristii Af Soomaaliga
Olalihii Horumarinta Reer Miyiga ayaa lagu balaariyay tirada bulshada ee taqaan qorista iyo akhrinta Af Soomaaliga
Barnaamijyo kumanaan saacadood oo ka baxay idaahadaha Radio Hargaisa iyo Radio Mogadishu iyo barayaal 20000 labaatan kun oo ay ku jiraan ardaydii dugsiyada sare ayaa u howl galay in aqoonta aas aaska ee bulshada laga qaado 2% lana gaarsiiyay 55% mar ay UNESCO baaris ku samaysay isbadalka uu ummada gaarsiiyay Ole Olihii Horumarinta Reer Miyiga
Wakaalada Madbacada Qaranka Tiyaatarka Wakaalada Filimida iyo wasaarado badan ayaa ka qayb qaatay barnaamijka qorista iyo horumarinta Af Soomaaliga
Lahjadaha Af Soomaaliga
Lahjadaha Af Soomaaliga in kasta oo ay Badantahay hadana waxaa la yiraah "Waxaa jira Maxaa Tiri iyo May" Afka Soomaaliga waxa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah
1af maxaa tiri
2af maay
Maxaa Tiri waa af Halbeega Soomaaliyeed ee cilmiga iyo culuunta lagu barto ahna kan qoran
Lahjada Maay waxaa looga hadlaa inta badan koonfurta soomaaliya qoraalkiisuna weli si rasmi ah layskuguma raacin
Af soomaaligu waa af ka kooban erayotiraab iyo hawraar soomali ah oo ay kol kolka qaarkood ku darsamaan erayo carabi ama ingriisi ahi Af Soomaligu waa luqadda ugu fudud qoraal ahaan iyo codeynba hase ahaatee ku hadliddeedu way adagtahay kolka la barbardhigo afafka udunka qaar ka mida
Far Soomaali
Qoriddii Af-soomaaliga waxa ka qayb qaatay Aqoonyahanno ]yeed oo aad u fara badan Xarfaha higgaadda Af-soomaaligu waa Shaqal 5 xaraf ka kooban iyo Shibbane 21 xaraf ah
Shibbane oo kala ah
B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y ama b t j x kh d r s sh dh c g f q k l m n w h y
Shaqal oo kala ah
Shaqal gaab
A E I O U ama a e i o u
Shaqal dheer
AA EE II OO UU ama aa ee ii oo uu
Afka Soomaaliga marka laga fiiriyo falalka waxay ku dhamaadaan laakiin ayadoo loo eegayo amar ahaan waxa uu ku dhamaado ayaa waxaa suura gal ah in ayu dhamaadaan kuwo kale sida fal amar ah oo ku dhamaado "o" da waxaa lagu bedelayaa "A" waxaana la raacshaa "SHO" Tusaale baxsashobaxso dhimodhimasho seexoseexasho fadhiisofadhiisasho
Si la mooda waxaa kale oo jiira falal ku dhamaada "N" kaa oo amar haan marka aan ka soo gano uu ku idlaado "Y" ama "I" Tusaale xoojixoojin siisiin beer dareybeer dareyn Waxaa laga reebaa kuwoo amar ahaan ku dhammaada "OOW" laakiin isu bedesho "AANSHO" Sida jecloowjeclaansho ogoloowogolaansho
Hadii la fiirayo meelaha ugu fudud waa tirooyinka
1 Kow Koowaad
2 Labo Labaad
3 Saddex Saddexaad
4 Afar Afaraad
5 Shan Shanaad
6 Lix Lixaad
7 Todobo Todobaad
8 Sideed Sideedaad
9 Sagaal Sagaalaad
10 Toban Tobanaad
20 Labaatan Labaatanaad
30 Sodon Sodonaad
40 Afartan Afartanaad
50 Konton Kontonaad
60 Lexdan Lexdanaad
70 Todbaatan Todbaatanaad
80 Sideetan Sideetanad
90 Sagaashan Sagaashanaad
100 Boqol
1000 Kun
1000000 Milyan
Waxaa kale oo aan wax ka sheegi karna tilmaameyaasha Ka soo qaad kan kaas tan taas kuwan kuwaas
Sidoo kale kama maaranno waxyaabaha aan albaab ahaan u balaqeyno this is a pen in aan u fasirno afkeena sidii la doono ayadoon ahaynkan qalin waaye kan waa qalin
This kan
Is waaye waa
Pen qalin
Laakiin my pen sideen u isticmaali karaa makan qalinbaa? Jawaabtu waa may ee waa lays daba mariyaa qalin + kan
Aniga kayga qalinkan this pen waa is kayga mine
Adiga kaaga
Asaga kiisa
Ayada keeda
Anaga keena
Idinka kiina
Ayaga kooda
Tirada ]ka ku hadla Af-Soomaaliga
Tirada dhabta ee dadka ku hadla Af-soomaaliga lama yaqaan waxaase lagu qiyaasaa ilaa 1965 Milyan oo qof kuwaas oo ku kala firarsan Caalamka waxaana kaloo jira aragtiyo kale oo gaarsiiya ilaa 25 Milyan oo qof
Meelaha looga hadlo
] ] 16000000
] ] 1000000
] ] 5000000
] ] 7000000
] ] 2000000
iyo sidoo kale waddamada caalamka oo dhan afka soomaaliga waxaa kale oo ku hadlo dad badan oo asal ahaan soomaali eheen qaarkood weeba ku heesaan
'
somali english turkish
aniga I ben
adiga you sen
asaga he o
ayada she o
anaga we biz
adinka you siz
ayaga they onlar
qaybaha falalkaficilada soomaaaliga
kuwo ku dhamaado -id-asho-aansho-n sida
afka soomaaliga hadaan tusaalooyin ka bixino
fal dhacay
aniga
Sidoo kale fiiri
]
]
]
]
Af-Taliyaani La Lingua Italiana ama Italiano waa luqada wadanka Taliyaaniga waxa luqadani ay kasoojeedaa farcanka looyaqaano Luqada Hindo Yurub waana mid kamida luqadahalooyaqaano
Laatiin ka waxaa kuhadla dad gaadhaya ilaa 60 milyan oo qofAfka Taliyaanigu waxa uu kujiraa kaalinta 20aad ee luqadaha caalmkawaana afka layskuraacay in uu yahay kan ugu dhawaaqa wanaagsan
Sida looqoro
Afka taliyaaniga waxa laguqoraa farta Laatiinka
Maal maha
Noot
{| width"100%" cellspacing"2" style"clear both;"
| colspan"2" |
|-
| style"vertical-align top;" |
{|id"mp-sp" cellpadding"2" cellspacing"5" style"width100%; vertical-aligntop; backgroundf9f9f9; border1px solid a7d7f9; color000;"
|-
|
|}
cabudwaaq waa dagmo ka tirsan gobolka galgaduud waxaana daga mareexaan cabudwaaq waxaa dagmo ka dhigay dowladii siyaad barre waxaana ka arimiyo maamulka ahlusuna oo ku mideysan yihiin beelaha kala ah surre dir beesha habargidir gaar ahaan cayr beesha mareexaan duqa magaaladana magaciisu waa Abdallah Al ansaari caabuwaaq waxaa ubadan beesha reer siyad xuseen waxay kale oo ay dagaan bangeele +cilaanle +golwayn iyo dagmooyin kale oo katirsan ismaamulka
☀ethiopia iyo dhuusamareeb oo ay isla dagaan cayr beeshuna waxay ladahay suldan ah cali saafi cabdille jimcaale farah ahmed
caabudwaaq waxa madaxweyne ka ah ILYAAS kalab oo ku dhashy degmadaas hda haya xilkaas mudoo 13 sanno ah ninkaan waa nin si saad ah looga xushmeeyo degmadaas xatta dadka qaar baa AABE dhaha abudwaq hadaad rabtd inaad tagtd ama aad wax uga baahan thy waa inaad asaga la xiriirta cml hadi kle maba gali kartd waayo daka dhan warkiisa bay ku shaqeyaan
Cabdulaahi Yuusuf Axmed carabعبدالله يوسف أحمد Noolaa 1934 2012 waxa uu ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Waxa uu madaxweyne kumeelgaar ah ahaa taariikhda marka ee u dhaxeesay 4 Oktoobar 2004ta ilaa 29 Diseembar 2008Cabdullahi Yuusuf waxa uu dhintay tariikhdu markay ahaad 23kii Maarso 2012 isagoo xaanun uu jiifa in mudo ah cusbitaal ku yaala Imaaraatka Carabta
Taariikh Nololeedka
a]
Dil ka badbaadid
k soomaaliyeed
Luqada carabiga waa luqad ay ku hadlaan in kabadan 422 Milyan oo Qof Waxanay leedahay Lahjado badan waana mid kamida luqadaha caalamka ugushacbiyada badan luqada carabiga waxa sigaar ah u adeegsada dadka islaamka ah waayo waxa kusoo dagay Qur'aanka kariimka ah waxa kale oo carabiga ku qoran axaadiista Rasaaulka CS waxa jirta in luqada carabigu ay raad wayn kuleedahay luqado aad ubadan sida luqadeena soomaaliga waxa jira ereyo caalami ah oo caalamku isticmaalo oo asal ahaan kasoojeeda luqada carabiga waxaana kamida Sonkor waxa kamida Alcoholالكحول Admiralأمير البحر waxa jira kalmado badan oo si caalami ah loo isticmaalo laakiin asal ahaan kasoojeeda luqada carabiga luqada carabiga waxa lagaga hadalaa kasokoow dhulka carabta waxaa lagaga hadlaa sida wadamada Jad Eratareya Israaiil iyo Qaramada Midoobay
Luqadaha carabigu ay saamaysay
Af-Turki
Af-Faarisi Waa afka Iiraan lagaga hadlo
Af-Kurdi Waa afka ay kuhadalaan shacabka kurdida ee kunool wadamada Turkiga ciraaq iyo Iiran
Af-Indunuusiyaan Waa luqada rasmiga h ee wadanka Indunisiya
Af-Isbaanish waa af wadamo badan u rasmiah oo ay kamid tahay wadanka Isbania
Halka ay kasoojeedo carabigu
Afcarabigu waa mid kamida bahda Luqadaha Semitiga luqadahan oo u kala baxa amaba ku kala firidhsan Afrika iyo Aasiya
Meelaha laga qoro xurrfta afka carabiga
Sacuudi Carabiya
Aljeeriya
Masar
Ciraaq
Urdun
Liibiya
Marooko
Soomaaliya
Koonfur Suudaan
Suudaan
Suuriya
Tuuniisiya
Imaaraatka Carabta
Yaman
Jabuuti
Lubnaan
Qatar
Baxrayn
Kuwait
Cumaan
Muuritaaniya
Jusur alqamarKomoros
Jaad
Israa'iil
Falasdiin
Afka ingiriiska waa luqad looga hadlo dhowr wadan waxeeyna tahay luqod caalamka aad looga xishmeeyo Asal ahaan Afka ingiriiska wuxuu ka yimi luqadda Afka Laatiiniga waxaana lagu alifey wadanka Ingiriiska Fiditaanka uu Afka ingiriiska ugu fidey dunida waxaa sabab u ah gumeysigii Ingiriiska uu ku gumeystey dunida barkeeda kala bar Mar walboo uu wadan gumeysto Ingiriiska wuxuu ka dhigi jirey afkiisa afka dawladda iyo tan barida
Wadama Ingiriiska looga hadlo
Wadamada luqada ingiriiska looga hadlo sida afkooda hooyo oo kale waxaa ka mid ah
Ingiriiska
Ireland
Australia
New Zealand
Maraykanka
Kanada
Koonfur Afrika
Booqo
Af-Ingiriis
Qaamuus
Faransiisk Af-Faransiis Sirasmiya waxaa loogu yeedhaa Af-Faransiis République française waa dalka mid ah dalalka kuyaala galbeedka qaarada Yurub farnsiisku waxa uu kakoobanyahy dhul kal fog fog iyo jasiirado kuyaala goobo aad uga fog dhulwaynaha faransiiska waxa kale oo farnsiiska kamida halka looyaqaano Faransiis Guyana iyo jasiirado aad ubadan oo cidhifyada caalamka kuyaala dadka wadanka farnsiiska udhashay waxa wadankooda ay uguyeedhaan Hexagone oo macneheedu tahay Lix geesood wadanka farnsiisku waxa uu xuduud la wadaagaa Wadamada
Midowga boqortooyada Britan Beljim Luksemburg Jarmalka Iswisarland Talyaaniga Monako Andorra Isbania sida oo kale farnsiisku waxa uu xuduud la wadaaga wadamo kabaxsan qaarada Yurub sida Barasiil Surinam Nederlaan Antiilis Farnsiisku waa mid kamida Aasaasayaasha Midawga Yurubwaana wadanka ugu wayn midawga yurub sidoo kale waxa uu farnsiisku kamid ahaa xubnihii aasaasy Qaramada Midoobaywaxa kale oo kamidyahay xubnaha rigliga ah ee Golaha Maanka inta badan dadka farnsiiska ahi waxa ay haystaan diinta Masiixiyad waxa kunool sidoo kale dad gaadhaya ilaa shan milyan oo haysta diinta Islaamka
Taariikh
inta badan dhulka faransiisku waxaa dhulkii ay qabsadeen dadkii lagu magacaabi jiray Gaule oo asal ahaan kasoo jeeday meesha looyaqaano katalaaniyawadanka waxa katalinjirtay ambaradooriyadii roomaanka kadib xiligii qarnigii 4aad waxaa qabsaday mid kamida qabaa'ilka Jarmaankakuwaas oo looyaqaany Franchwadnkan maanta looyaqaano farnsiiku waxa uu midoobay markii ugu horaysay sanadii 486farnsiisku waa wadan leh taariikh aad iyo aad u dheer oo aan lasoo koobi karin
Taariikhdu waxay qortaa in boqorada Faransiiska soo maray uu ka mid yahay Napolian Bonabert oo dhawr wadan oo Yurub qabsaday
Faransiiska oo ah dalka ugu weyn wadamada ku yaala galbeedka Yurub sidoo kale waa dalka Sadexaad ee Yurub oo dhan ugu weyn dunnidana waxaa uu ka yahay dalka 42aad ee ugu weyn dhul ahaan
Caasimada wadanka waa Paris dadka Faransiiska ah waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 67 million oo ruux taasi ayaana keentay in loo aqoonsado inuu yahay dalka 20aad ee dunnida ugu dadka badan iyo dalka labaad ee Yurub oo dhan ugu dad badan
Faransiisku waxaa uu ka mid yahay wadamada la yiraahdo awood ayay leeyihiin illaaa qarnigii 19 aadna waxaa uu ka mid ahaa wadamada dunnidaan wax ka gumaystay
Dalkaan QM waxay ku taxgalisaa inuu ka mid yahay wadamada ugu badan ee ay kasoo baxeen dad taariikh ku leh dhanka cilmiga waxaana dalkaan kasoo jeedaa dad badan oo wax badan hindisay
Hay’adda UNECSO waxaa ay sheegtay in dalka Faransiis waxay u aqoonsatahay dalka 4aad ee ugu dhaqanka weyn dunnida taas ayaana sabab u ah in si joogto ah ay dalkaasi u booqdaan oo ay u dalxiis tagaan dad tiradoodu gaarayso 83 million oo ruux
Lacagta wadanka waa Yuuroo seedka gaadiidku isku dhaafaana waa dhanka midig luuqada wadanka looga hadlana waa Faransiis
Xagga dhaqaalaha marka aanu eegno Faransiisku waxaa uu ka mid yahay wadamada ugu waa weyn ee dhaqaalaha leh dalkuna warshado badan ayuu leeyahay
Sidoo kale dalxiiska ayay dawlada Faransiisku dhaqaalo aan yareyn ka heeshaa
Xagga ciidamada Faransiiska oo ka mid ah wadamada ku jira ururka gaashaanbuurta NATO dawlada Faransa waxay ka mid tahay dawladaha dhaqaalaha badan ku bixiya dhanka ciidamada sidoo kalena dawlada Faransiisku waxay xubin ka tahay 15 xubnood ee golaha amaanka iyo ururka midawga Yurub ururka ganacsiga adduunka ee WTO iyo booliska adduunka ee Interpol waana dal haysta hubka Nuclearka ah
Xagga Diimaha haddii aynu eegno dadka Faransiisku badankood waa masiixiyiin waxana ay dalkaasi ka yihiin 94%
Muslimiin oo dalkaasi dadka ku nool ka ah 4% waxaa tiradooda guud lagu qiyaasaa 5 illaa 6 million oo ruux
Dhaqan ahaan dadka Faransiiska waxay isku eg yihiin dadka Talyaaniga waxaana dumarka Faransiiska dhaqan ahaan u xirtaan maro u sameysan sida cambuurka oo kale oo dhanka hoose u weyn qaarka sarana u yar halka raggooduna ay xirtaan maryo qamiiska u qaab eg
Dhanka cunnadda dadka Faransiisku waxay dhaqan ahaan u cunaan hilbo la dubay oo haddana maraq loo yeelay oo dalkaasi looga yaqaan Foie gras
Ugu dambeyna haddii aanu eegno xagga cayaayara Faransiiska kubbadda cagta aad baa loga xiiseeyaa waxaana xulka K cagta dalka Faransiisku uu qaaday koob adduun hal mar oo aheyd sanadkii 1998 oo Faransiiska lagu qabtay
Cayaartoyda Faransiiska ayaa Sadex gool iyo waxba kaga adkaaday cayaartii kama dambeysta ee ay la cayaareen xulka dalka Brazil
Sidoo kale xulka Faransiisky waxaa uu guulo ka gaaray cayaaro kale oo caalami ah waxaana dalkaasi kasoo jeeda cayaartoy fara badan oo dhanka cayaaraha sumcad weyn ku leh
Nolosha
in kabad $74 dadka farnnsiisku waxa ay kunoolyihiin magaalooyinka waawayn magaalda Baaris iyo hareereheeda kaliya waxaa dagan dad gaadhaya ilaa 9 milyan oo qofdadkuna waxy daganyihiin guryo aad iyo aad udheersidoo kale qaar kamida dadka kunool farnsiisku waxy xiiseeyaan in ay degaan guryo qadiima
Nolosha miyiga waxa kunool %24 dadka farnsiiskawaa beeralaycuntada farnsiisk waa mid kamida cuntooyinka ugu caansan Caalamka
diinta
Farnsiisku waa dawlad cilmaaniya xoriyada diintuna waa xaq distoori ahwaxay gaadhaysaa tirada Masiixiyad Kaatooliga ahi %65 dadka aan diinba haysan waxaa lagu qiyaasaa %25 halka islaamku uu yahay %6 dadka faransiiska
Madaxweyneyaashii Faransiiska
1 Charles De Gaulle 1958 1969
2 Georges Pompidou 1969 1974
3 Valéry Giscard d'Estaing 1974 1981
4 François Mitterrand 1981 1995
5 Jacques Chirac 1995 2007
6 Nicolas Sarkozy 2007 2012
7 François Hollande 2012 -
Juquraafi
Magaalo
Paris
Lyon
Marseille
Lille
Toulouse
Bordeaux
Nantes
Nice
Strasbourg
Rennes
Grenoble
Montpellier
Dawlad Federaal ah ama dawlad midow ah Ama dawlad dhexe waa qaab ka mid ah qaabka dawladnimo waxayna ka dhalataa midow ay midoobeen gobollo ama degmooyin ama dawlado wada nool iyagoon kala go´in dawladii ugu horeeysay ee caalamka samaysaty habka Federalka waxa ay ahayd Maraykanka markii ay ka xuroobayeen Ingiriiska waxaa isku tagay markii ugu horeysay 13 gobol 1787 2 sano kadib waxaa la sameeyey dastuur federal ah dawladdaasna waxaa madax ka noqday Giorge washington
Habka Federaalka
Federaalnimadu waa hab dasturi ah oo Dawladda dhexe oo kor ka matasha waxayna leedahay awoodeeda sharci dajineed fulinta iyo maxkamadaheeda
Laakiin gudaha waxa ay noqonayaan gobollo kala madax banaan sida caadiga ah waxaa dhacaysa awoodaha in ay kala qaybsadaan dawlada dhaxe iyo gobolada hab dasturi ah
Waxa ayna noqonaysaa sidaan soo socota
1 In la xadido aoowda maamul goboleedyeda ee looga dambeeyo Dawlada Federaalka ah
2 in Dawlada awoodeeda la yareeyo ee loo daayo goboloda maamulkooda
3 in loo daayo dastuurka waxa uu qabo
Soomaaliya iyo Federaalka
Horta oraahda ah Federaal lagu dhaqmo waxaa ugu horeeysay ee afkiisa laga maqlo madaxwaynihii hore ee Soomaaliya 2004-2008 Cabdullahi yuusuf axmedee lagusoo doortay shirkii embegati ee ka dhacay kiinya oktober 2004 tii asigoo ka helaya gacan madax ay saaxiibo yihiin haba ugu horeeyee Melle zenawi kadibna waxa uu ku guuleeystay in Dawladda lagu magacaabo Dawlad federaal ah "TFG" Dowladda federalka isla markaana kumeel gaar ah
Waxaa asigana ku xigay oo mar labaad kor uqaaday Dawlad kasta ee dhalataa in ay qaadato nidaamka Federaalka ah ninka lagu magacaabo Md C raxmaan Faroole ee ah Madaxa maamulka Puntland
Maamulada dhisan ilaa iyo hadda
1 Somaliland 1991
2 Puntland 1998
3 Galmudug 2008
4 Ximin iyo Xeeb 2010
5 Ceelbuur state 2011
6 Mareeg State 2010
7 Hiiraan state 2011
8 Banadir State 2012
9 Koofur galbeed 2010
Qodobada dastuurka faderalka
1 Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah taasoo dadku si dimoqraaddi ah ay awood ugu leeyihiin in ay ugu dhaqmaan madaxbannaanidooda heerarka kala duwan ee hay’adaha xukuumadda iyadoo loo marayo hay’ado iyo habab u qalma dhaqankooda iyo baahidooda Waxaa jira saddex heer oo dawladeed
a Heerka degaanka oo hay’adaha iyo qaybaha bulshadu ay noqonayaan asaaska xukuumadda kana qaybgalyaan sameynta golayaasha Dawladdaha hoose ee ay tahay in la dhsio
b Heerka Dawlad-goboleed ku dhisan nidaam isdoorasho iyo isxisaabin sida uu dhigayo Dastuurkan iyo dastuurrada dawlad-goboleedyada oo dhan
c Heerka Dawladda Qaran ee Federaalka
2 Waxaa dastuurkan lagu qeexayaa hay’adaha iyo nidaamyada xukuumadda ee heerka federaalka iyo hay’adaha qaranka
Qodobka 56-Mabaadi’da Federaalka Jamhuuriyadda
1 Heerarka kale duwan ee Xukuumaduhu marka ay dhexdooda ka macaamilayaan iyo marka ay ku gudo-jiraan adeegsiga awoodda sharci-dejinta iyo awoodaha kale waa in ay ilaailyaan mabaadi’ida federalinimada; kuwaas oo ah
a Heerarka xukuumadda tu’walba oo kamid ahi inay haysato taageerada dadweynaha
b Awoodda oo la siiyo heerka xukuumadeed ee si wax-ku-ool ah u gudan kara una isticmaali kara awooddaas
c Xiriir iskaashi iyo istaageerid labo-dhinacle ah oo u dhexeeya dawlad-goboleedyada dhexdooda iyo dawlad-goboleedyada iyo Dawladda federaaliga ah si uu u jiro dareen midnimo qaran
d Qayb kasta oo Jamhuuriyadda ka tirsani in ay hesho isla adeegyada ay kuwa kalena helaan iyo sidoo kale waxqabad xukuumadeed oo waxtar leh
e Khayraadka dalka oo si siman loo qaybsado
f Dakhli-ururin oo laga sameeyo heerka ugu wax-ku-oolsan
g Khilaafaadka oo wadahadal iyo heshiis-raadin laguxalliyo
Qodobka 57aad-Xiriirrada u Dhexeeya Heerarka Dawladda
1 Dowlad-goboleed kastaa waa inay ku dedaashaa xiriiri skaashi ku dhisan inay layeelato xukuumadaha ay isku heerka yihiin iyo kuwa heerarka kale Xukuumad waliba waa inay ilaalisaa xuduudda awoodaheeda iyo awoodaha kuwa kale Waa inay dhiirri-gelisaa xiriir saaxiibtinnimo oo ay yeeshaan xukuumadaha ka jira meelaha kale ee dalka iyo dadweynahooda Xukuumad waliba waa inay hubisaa xukuumadaha kale inay ku war- gelisey Siyaasaddaha amaba hawlaha gudaha xuduuddeeda ka socda; kuwaas oo laga yaabo inay meelo kale saamayn ku yeelan karaan Meeshii ay suuraggal tahayna waa in xukuumaduhu si wadajir ah ay mashaariic wadaag ah uga dhaqan-geliyaan
2 Si loo helo xiriir iskaashi waa in sharcigu jideeyo kulan-sannadeed ay isugu yimaadaan madaxda fulinta ee dowlad-goboleedyada iyo Dowladda federalku si ay uga xaajoodaan isuguna dubbo-ridaan qorshaha dawlad-goboleedyada iyo arrimaha la xiriira taageerada dowlad goboleedyada
3 Waa waajib in la qabto kulannada masuuliinta heer dawlad-goboleed marka laga hadlayo arrimo saamaynaya wax ka badan hal dawlad-goboleed sida biyaha beeraha iyo waxbarashada
4 Dawlad-goboleedyadu waxay lageli karaan heshiis qoraal ah dawladda Federaalka ah iyaguna dhexdooda heshiis way kala saxiixan karaan Hase ahaatee heshiisyadaasi ma laha awood sharci waxaase looga jeedaa inay noqdaan hab iskaashi oo keliya
Qodobka 58aad-Wada-xaajoodyada Dawliga ah
1 Iyadoo dareen iskaashi lagu shaqeynayo waa in dawladda federalka ahi ay dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda ganacsiga ama arrimaha kale ee muhiimka ah ee heshiisyada dawliga ah ku saabsan
2 Halka ay wada xaajoodyadu ay si gaar ah u saamaynayaan danaha gaarka ah ee dowlad- goboleedyada dawladda federalku haddii ay suurtagal tahay waa in ay ku dartaa ergada wada-xaajoodka gelaysa wakiilo ka socda dawlad-goboleedkaas
3 Marka la gelayo wada-xaajoodyada dawladda federaalka ahi waa inay tixgelisaa inay tahay wakiil lagu aamminey danaha dawlad-goboleedyada
Qodobka 59aad-Dawladda Hoose iyo Maamulka
1 Dowladda federaalku waxay soo saaraysaa sharciyo lagu dhisayo qaabka iyo mabaadi’da hageysa dawladaha hoose
2 Dawlad-goboleed kastaa waa in ay abuurto nidaam dawlad hoose oo waafaqsan habraaca sharci-dejinta federaalka
3 Xukumadaha Dawlad-goboleedyadu waa in ay siiyaan dawladaha hoose awood ay ku mamulaan sharciga iyo barnamijyadooda si waafaqsan mabda’a b ee mabaadi’da federaalka ah ee ku xusan qodobka 561 Hawlaha waxaa loogu wareejinayaa goleyaasha Dawladdaha hoose si tartiib- tartiib ah oo la socota hadba koritaanka kartidooda Sharci federaali ah ayaa tilmaami doona qaabdhismeedka ay u raaci doonaan dawlad-goboleedyadu awood-wareejin kasta oo ay dawladaha hoose ku wareejinayso xilalka
4 Xukuumadda federaalka iyo kuwa dawlad-goboleedyadu waxay masuuliyadda maamulka sharciga iyo barnaamijyada ku wareejin karaan hay’adaha iyo bulshooyinka degaanka
5 Hey’adaha iyo bulshada degaanka waa in la dhiiri-geliyaa la taageeraa lagana kaalmeeyaa sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka uu Dastuurku dusha ka saaray eek u saabsan dimoqraaddiyada iyo xuquuqda aadanaha
Qodobka 60aad-Qaybinta Awoodaha
1 Dowladda federaalku waxa ay awood u leedahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya oo dhan u samayso sharciyo maamul-wanaagga ku saabsan iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulidda sharciyadaas
2 Dawlad-goboleed kastaa waxay awood u leedahay in ay samayso sharciyo maamul- wanaag ah oo iyada ku eg iyadoo raacaysa xuduudaha Dastuurka iyo awoodaha maamulida sharciyadaas
3 Awoodaha waxaa lagu qaybiyey Jadwalka 2aad oo ka kooban tax lagu muujinayo awoodaha la siiyey Dowladda federaalka xukuumadaha dawlad-goboleedka ama si wadajir ah loo siiyey federaalka iyo dawlad-goboleedda
4 Taxa Awoodaha u gaarka ah Dawladda federaalka waxaa fulin karaya oo keliya dawladda federaalka haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan
5 Taxa Awoodaha u gaarka aha Dawlad-goboleedka waxaa fulin karaya oo keliya dawlad- goboleedka haddii aanay cid kale u wakiilan sida ku xusan qodob kale oo ku jira cutubkan
6 Taxa awoodaha wadaagga ah ee federaliga waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federalka iyo dawlad-goboleedyada Haddii ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah waxaa awood leh sharciga federaalka
7 Taxa awoodaha wadaagga ee Dawlad-goboleedyada waxaa ku wada dhaqmi kara dawladda federaalka iyo dawlad-goboleedyadaba Haddi ay dhacdo in khilaaf ka dhex dhasho sharciyada dawladda federaaliga iyo dawlad-goboleedyada arrin kasta oo taxan ah waxaa mudnaanta leh sharciga dawlad-goboleedyada
8 Dawladda federaalku waxa ay sharci ka samayn kartaa arrin kasta oo aan lagu xusin taxda jadwalka 2aad
Qodobka 61aad-Dhaqangellinta Awoodaha wadaagga ah ee sharcidejinta ee dawlad-goboleedyada
1 Si loo xoojiyo wada-shaqayntadawlad-goboleeddii doonaysa inay ka soo saarto sharci arrin kasta oo soo gelaysa Taxa awoodaha la wadaago ee federaalka ama Taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedda waa in ay la tashataa dawladda federalka ah
2 Waa in la soo saaro sharci federaali ah si loo dejiyo habraac dawlad-goboleedyada siinaya masuuliyad ay ku samaysan karaan sharci kasta oo ku saabsan arrimaha hoos-imaanaya taxa awoodaha la wadaago ee dawlad-goboleedyada Habraaca noocaas ahi waa in uu ku lug-lahaado qiimaynta awoodda dawlad-goboleedyadu ku qaadi karaan masuuliyadda soo-saaridda iyo maamulida sharci ku saabsan arrintaas
Qodobka 62aad-Igmashada Awoodaha
1 Xukuumad kastaa waxay u xilsaaran kartaa awood mamul iyo masuuliyado dawlad ama dawlado kale oo heer kale ah iyadoo raacaysa habraac ay wadatashi kula yeelanayso dawladdaas
2 Dawladda federaalku waxay u xilsaaran kartaa mid ama ka badan xukuumadaha dawlad- goleedyada awood ay sharci ugu sameeyaan arrin ka mid ah awoodda xeerdejinta Dawlada federaalka oo looga gol leeyahay dan guud ama mid gaar ah
3 Haddii Dawladda federaalku u xilsaarato awood sharci mid ama dhammaan dawlad- goboleedyada waa in ay xaqiijisaa in dawlad-goboleeddaas hesho ama loo ogolaado in ay urursato dhaqaalaha lagama-maarmaanka u ah fulinta hawsha dawladda federaalku u igmatay
4 Dowladda federaalku haddii loo baahdo way kala noqon kartaa awoodaha ay cid kale ugu xilsaaaratay qodobkan iyadoo ogeysiineysa waqtiga ugu habboon dawlad- goboleedda ama dawlad-goboleedyada ay khusayso
5 Mid ama ka badan dawlad-goboleedyadu waxay ka codsan karaan dawladda federaalka in ay qaaddo masuuliyadda ah in ay ka soo saarto sharci arrin gaar ah oo ka mid ah awoodaha xukuumadaha dawlad-goboleedyada
Qodobka 63aad-Arimha Maaliyadeed
1 Awoodaha dakhli-uruurinta ee heerarka kala duwan ee xukuumaddu waxay ku xusan yihiin Jadwalka 2aad
2 Xukuumadda federaalku waxay awood u leedahay in ay ku bixiso kharash ujeeddo kasta oo sharciga waafaqasan ha ahaato mid ay siisay awooddeeda sharci-dejineed ama yaysan ahaane
3 Mabaadi’da iyo habka loogu qaybinaayo hantida maaliyadeed heerarka kala duwan ee xukuumadaha waxaa lgu qeexayaa Cutubka 14aad
Qodobka 64aad-Maxkamadaha
1 Jamhuuriyada Soomaaliya waxaa ka jira nidaam garsoor midaysan sida kucad Cutubka10aad
2 Ka sokow faqrada 1 khilaafaadka lagu xalliyo xeer-dhaqameed waa lagu sii dhaqmi karaa haddii aysan ka hor’imaaneynin Shareecada ama Dastuurka dalka
Qodobka 65aad-Shaqada Dawladda ee Rayidka ah
1 Xukuumadda federaalka iyo dawlad-goboleedyadu waxay shaqaalasanayaan hawl- wadeennadooda
2 Gudigga Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda Federaalku wuxuu dejinayaa mabaadi’da xeerarka iyo shuruudaha shaqo-qorista iyo arrimaha kale ee khuseeya shaqada dawladda ee heer kasta
3 Dawladda federaalka iyo maamul-goboleedyadu waxay iska kaashanayaan ka-wada- faa’ideysiga hawl-wadeennada heerarka kala duwan si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo’aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahan yahay iyada oo taasna lagu horumarinaayo midnimada qaranka
Qodobka 66aad-Awoodaha Xukuumada Federaalka ee Taageera Nidaamka Federaalka
1 Haddii xukuumad dowlad-goboleed ay gudan kari waydo xilkeeda ama ay ku kacdo maamul xumo maaliyadeed masuuliyada koowaad ee xukuumada federaalku waa in ku taageerto xukuumada dowlad-goboleedda sidii ay wax uga qaban laheyd xad-gudubyadaas ayna qaado talaabo kasta oo lagama maar maan ah oo dowlad-goboleedda u suurto galinaya in ay xilkeeda u gudato si wax ku ool ah
2 Haddii dawlad-goboleed gudan weydo waajibaadkeeda dastuuriga ah ama sharci kale oo federaal ahi u xilsaaray xukuumadda federaalku waa in ay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah oo ay ku meel marineyso fulinta waajibaadkaa Talaabooyinkaas waxaa ka mid ah in xukuumada federaalku farto dowlad-goboleedda dhaqan-galinta arimaha ay gabtay dawlad-goboleedduna waa in ay amarkaas u huggaansataa Hasa yeeshee awaamirta noocaas lama bixin karo haddii aysan ogolaan kala bar xubnaha Aqalka Wakiillada Dawlad- Goboleedyadu marka laga reebo wakiillada dawlada-goboleedda waajibaadkeeda dastuuriga ah gabtay
Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka
Fiiro Maqaamka Muqdisho Xamar oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa sedaxda hab ee soo socoda mid kood hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka
XULASHADA 1aad Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed
1 Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed
2 Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal iyadoo la tashatay Dowladda Fedelaaka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka
3 Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuuraha xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda
XULASHADA 2aadDegmada Caasimadda Federaalka
1 Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka
2 Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad-goboleed
3 Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka
4 Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dawladda Federaalka awgeed
5 Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada
6 Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka hase yeeshee waxay awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad qodobka 62aad ee Cutubkan
7 Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan dastuurkan
XULASHADA 3aad Caasimad ah Dawlad-Goboleed
1 Magaala-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed;
2 Magaala-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale ma noqon karto qayb Dawladda-goboleed kale ku dhul ballaarsato
3 Golaha maamul eemagaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa inay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan dastuurkan Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda
Qodobka 68aad-Xalinta Khilaafaadka
1 Mabada’ ahaan khilaafyada u dhexeeya dawladaha waa in lagu xalliyaa hab wadaxaajood iyo dhexdhexaadin ku dhisan iskaashi iyo niyadsami
2 Dawlada federaalka iyo xukuumadaha dowlad-goboleedyadu way ku heshiin karaan in ay dhistaan maxkamad gaar ah oo lagu xaliyo khilaafaadka dhaxsada Dawladdaha
3 Khilaafka u dhexeeya Dawladdaha ee lagu xallinwaayo dhexdhexaadin iyo wadaxaajood waa in loo gudbiyaa Makamada Dastuuriga oo go’aan ka gaaraysa
Qodobka 69aad-Xuduudaha Gobollada
1 Guddiga Xadeynta Xuduudaha Gobollada ayaa xallin doona dhammaan murannada hadda taagan iyo kuwa mustaqbalka ee la xariira xuduudaha iyagoo raacaya sharciga laga dejin doono arrimahaas
2 Guddiga Madaxa Bannaan Dastuurka iyo arrimaha Federaalka ama ciddii bedesha ayaa iyaga oo la tashanaya guddiyada kale ee qaran ka caawin doona Dawladda Federaalka go’aaminta tirada ugu yar iyo tan ugu badan ee dawlad-goboleedyada la sameynayo
3 Xuduudaha Dawlad-goboleedyadu waxay ku saleysnaan doonaan xuduudihii gobollada ee jiray 1990-kii ka hor dagaalkii ahliga ahaa
4 Laba gobol ama wax ka badan ayaa ku midoobi kara dawlad-goboleed iyaga xor u ah go’aankooda
Qodobka 70aad-Samaynta Dawlad-Goboleedyo Cusub
1 Ugu yaraan laba gobol ama ka badan oo si xor ah isugu tagay ayaa sameysan kara dawlad- goboleed;
2 Dawlad-goboleed cusub ayay sameysan karaan dawlad-goboleedyo jiray haddii tiro macquul ah oo ah hal iyo wax ka badan oo ka mid ah dawlad-goboleedyadaas ay doonayaan in ay sameystaan dawlad-goboleed ayna sameynta dawlad-goboleedkaas tahay sida kaliya ee ay ku gaari karaan danaha guud ee ay wadaagaan
3 Dawlad-goboleed cusub waxaa la samayn karaa haddii arrintaas ay taageersanyihiin aqlabiyada dadka
a Degengobolladasameysanayadawlad-goboleedkacusub
b Deggangobolladaaysaameynaysosameyntadawlad-goboleedkacusub;
c Haddii aysan samenta dawlad-goboleedkaas aysan ka hor imaanayn danta qaranka;
d Isla markaana aysan khatar gelinayn midnimada qaran ee federaalka
4 Sameynta dawlad-goboleed cusub lama ogolaan karo haddii aysan awood u yeelan doonin in ay fuliso waajibaadka iyo hawlaha laga rabo dawlad-goboleed ka tirsan federaalka sida dhawridda xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta ku nool dawlad goboleedka aysana lahayn isku- filnaansho dhaqaale ay ku fidiyaan adeegyada asaasiga ah Baarlamaanka ayaa meelmarinaya sharciga sameynta dawlad-goboleedyada cusub
5 Haddii laba iyo wax ka badan dawlad-goboleedyada deriska ahi ay ku heshiiyaan in ay bedelaan xuduudaha ay wadaagaan Golaha Shacabku waa in uu ansixiyaa haddii saddex dalool laba dalool ka mid ah goloyaasha degmooyinku ogolaadaan xuduud bedelidda
Qodobka 71aad-Oggolaanshaha Ku- soo-biiritaanka Jamhuuriyadda
1 Hannaanka Federaalaynta waa in loo maraa wadahdal iyo iskaashi
2 Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa maamuladda doonaya in ay kusoo biiraan Federaalka waxayna dhiirigelinaysaa ku-soo-biiritaan qaab nabadeed loo marayo
Ganacsi oo loo yaqaano wax kala iibsi ama warshadaha dukaamadaha ayaa ah mid caalamka la isku af gartoganacsiga waxaa ka mid ah wax soosaarka ama gaditaanka sida qalabka ama cuntada ganacsiga waa madaxtooyada dhaqaalaha
Hindiya ama Jamhuuriyadda Hindiya waa wadan ku yaala Aasiya waana wadanka Aduunka ugu dadka tirada badan marka laga reebo Shiinaha Wadanka waxoo xuduud la leeyahay wadamada Bakistaan Shiinaha Nebal Butaan Bangladesh iyo Burma Dhinaca xeebaha neh waxoo xuduud la leeyahay wadamada Siri Laanka Jasiirada Maldiif iyo Indonesia Magaalo madaxda wadanka waa New Delhi Wadanka Hindiya waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 1 Biliyan oo qof waxaana lagu hadlaa luqado gaareeso in kabadan 100af Hindiya waa wadanka afaraad oo ugu ganacsiga badan aduunka
Taariikh
Hindiya waxee leedahay Taariikh aad u dheer wadanka waxuu jiri jiray kumanaan sano kahor Gumeestihii ingriiska ayaa soo gumeestay Hindiya iyo pakistaan markooda hore waxee ahaayeen hal wadan waxeenaxornimada qateen1947kii waa markii ee Bakistaan iyo Bangladesh ee ka goday Hindiyapakistan waxee hindiya ooga goday kala duwanaashaha diinta Hindiya waa wadan laga caabudo hindu pakistaana waa wadan muslimiinta ku badanyihiin labada qeebood dagaalo badan ayaa dhexmaray sanado badan Kadib sanadka marka uu ahaa 1948kii ilaa 49kii Hindiya iyo pakistaan waxaa ka dhex jiray dagaalo dagaaladaas oo sabab u eheed kala qeebintii Gobolka Kashmir Luqada ugu ween oo Hindiya looga hadlo waa af hindi iyo luuqada ingriiska Wadanka Hindiya waxaa laga caabudaa Lo'da
siyaasiinta
doorashaddii ka dhacday hindiya 2007ii waxaa madaxtinimada ku guuleestay abuukaataha Pratibha Patil waa naagta ugu horeeysay oo madaxweyne ka noqotay wadanka Hindiya
Dhaqanka
Hindida waxee Khatar kuyihiin film soo saarka iyo heesaha waxeena ka midyihiin kuwa aduunka ugu film soo saarka badan Filmaha hindida waxaa badanaa aduunka looga yaqaanaa Bollywood Waxee isku magac egyihiin Hollywood laakiin Bollywood waxee soo saartaa filmada hindida kaliya heesaha iyo filmaha hindida waxoo ka koobanyahay Jaceel filmada hindida waxaa laga daawadaa wadamo badan oo ku yaalo Aasiya iyo geeska afrika gaar ahaan somalida oo xiiseeso
Juquraafi
Hindiya goboladeeda dhinaca woqooi bari waxaa kaga dhagan Himalaaya qeebaha kale ee woqooyiga dhaxbartanka ilaa dhinaca bariga waxaa ka baxo beero aad u badan oo dalag faro badan laga gurto Dhinaca galbeedka oo xuduudka pakistaan kaga dhegenyahay waxaa ku yaalo saxaarada dahaar Koonfurta wadanka waa meel baadiyo ah Wadanka Hindiya waxuu leeyahay wabiyaal aad u badan oo waaweyn iyo Jasiirado markooda hore ka sameesmay fulkaano
Jawiga
Hindiya waa wadan dhax dhaxaad ah oo roob ka da'o
Gobolada
Gobolada hindiya waxee ka koobantahay 28 gobol
Erayga ingiriis macno badan ayoo leeyahay
Ingiriis luqad
Ingiriis waxDad
Ingiriiska Af-Ingiriis England waa gobolka ugu wayn Midowga boqortooyada Britan
Waxey xuduud la leedahay iskotland oo ay xaga waqooyi xuduud ka wadaagan dhanka galbeedna waxa ay xuduud ka wadaagaan wels iyo bada eeerland]] goobta hada loo yaqaano ingiriisku waxa uu ka koobmay dhaqamo iyo qoomido badn waxana uu taariikh soo jireena leeyahay ilaa 35000 oo sano laakiin marka la eego magaca ingiriis asal ahaan waxa uu kayimi mid kamida qabiiladihii dagay halkaas ee katagay wadamada waqooyiga ] somali ahaana magacan marka lagu dhawaaqayo waxa uu noqon karaa ingiriiska ee maaha in la odhan karo ingiriis waayo taasi waxa ay sheegaysaa luqada ingiriisku waxa uu dawlad midaysan noqday sanadii 927 taariikhda miilaadiga xiligii horu marka iyo warshada oo bilaabmay qarnigii 15aad waxa uu ingiriisku caalamka ku yeeshy raad dhaqan iyo mid cilmi iyo mid shaqo oo aad u wayn luqada ingiriisaga sharciga ingiriiska oo ah mid maanta meelakasta laga isticmaalo waxa ay ka imaadeen wadanka ingiriiska daka kunool ingiriiska tiradoodu waa ilaa 51 milyon waa 84% dadka kunool boqortooyada midawday ama uk dawladan ingiriisku waxa ay lamidawday dhamaan boqortooyooyinka kale ee uk sanadii 1800 o ay la bexeen magaca ]
taariikh
xiliyada aadka u fogfog
kadib markii ay romanku kabexeen ingiriiska waxa ay noqotay mid halis u ah weeraro ay kusoo qaadan saksonku ]
dola dad ingiriiska waxaliilka ugudhaw ee la odhankaro waxa ku noa ay noqon kartaa 780000 kun kahor lafaha dadeed ee ugu dada wayn ee ingiriiska laga helay waxa lagu qiyaasay in ay jiree 500000 oo sano waxa kale oo la ogyahay in ingiriisku uu yahay meel ladagi karayaya xiligii dhagaxa
amaba xiligii aanu dadku aqoon dhagax mooyee wax kale
qarniyadii dhexe
kadib markii ay kabexeen ciidamadee roomaanku ingiriisku waxa uu baylah u noqday weeraro ay kusoo qaadan saksonku ] kuwaas oo ka imanayya wadamada waqooyiga yurub taasi way dhacday oo waxa kusooduulay xiligaas ciidamo kayimi ama dad ah kuwa looyaqaano ] oo qaar iyana kayimi wadamada iskandaneefiyanka hada looyaqaano inkastoo aan wax sidaas usii badan oo cadaymaa lagahayn ahada waxa lahayaa qoraalo aad iyo aad u yar oo xiligaas kahadalay awaxaana xiligaas looyaqaana xiligii madoobaa
]
Internet waa hab aduunka oo dhan u furan iney isku dhaafsadaa waranka cilmiga ganacsiga iwm Internet wuxuu ka kooban yahey Shabakadda Kumbuyuutarrada Ingriis Computer Network Kuwaasoo xogta Ingriis Data isku dhaafsadda habka loo yaqaan internet protocol Wuxuuna ka kooban yahey malyuunaad shabakkadood English network sida kuwa jaamacaddaha ganacsiyada dowladoha shirkadaha Kuwaas oo si wadojir ah isku dhaafsada xog kala duwan oo noocwalba leh sida sawiradda fiidhyoowyada codadka iyo qoraaladda
Magaca internet wuxuu ka yimid ereyga interconnection network oo loo soo gaabiyey internet
Taariikhda
Internetku waxow ahaa natiijo ka dhalatay Mashruuc ay sii daysay Heyada ARPANET sanadii 1969 kaas oo ahaa mashruuc kasoo baxay wasaarada gaashaandiga Mareekanka barnaamijkaas waxaa loo aasaasay isku xirka Ciidanka Mareykanka iyo jaamacadaha iyo dhamaan hayadaha cilmi baarista si looga faa'iideysto Aalada Kombiyuutarka
Koowda Janaayo ee 1983 ayaa wasaarada Gaashaandhiga Mareekanka badashay Baratakoolkii NCP kuna wareegtay TCP IP
Shabakada Internetka waxaa si ganacsi ahaan ugu furmatay 1988 Markaasoo kadibne la furay Shirkado internetka bixiyo ISPoo kala ahaa UUNET PSINet iyo CERFNET
6 dii Agoosto 1990 CERN oo aheyd Hay'ad cilmi Baaris oo Yurub ka dhisneyd ayaa si furan u shaacisay WWW- oo ah Shabakada Xuub Caaro Web ka waxaa soo saaray Saynisyahano Ingiriis ah
Micnaha web afsoomaaliyeyn waa Mareeg wa isku keenid ama aruurin waxyaalaha ka dhaca dunida daafaheeda oo lagu kulmiyay hal meel
Mustaqbalka Internetka
Sida hada ka muuqato Internetku wuxuu yareeyay waxyaabo badan oo ay ku bixi jirtay tamar sida tusaale ahaan waxaa maanta wax ka baran kartaa Internetka adigoo joogo xaafadaada ama gurigaada Sidoo kale waxaa laga maarmay inaad maanta tegto meel ganacsi oo aad sheey ka iibsato adigoo heli karo dukaameysi Qadka Online Shopping Sidoo kale waxaad arkeysaa Shaneemooyinkii in laga maarmay oo Netka aad heli karto Film ama riwaayada aad rabtid
Sida ay leeyihiin Khubarada Aduunka in uu Netka noqon aduunka khiyaaliga ah Tusaale ahaan in qof jooga gurigiisa laga xakumo Maxkamad si Online ah
sidoo kale maanta waxaa laga maarmay in Qaamuusyadii Buugaagtii ha ahaado mid Cilmi iyo mid Taariiqeed
wallal waa run tasi lakin esangana musiibadisa aya wata xuman iyo saman aya is daba socota internet waa cajiib
marka la fiirsho xaga isku xirka aduunka
Isbania spania ama boqortooyada Spania waa wadan ku yaalo Koonfurta Galbeed ee qaarada YurubWadankaan waxoo xuduud la leeyahay wadamada AndorraFaransiiskaGibraltar iyo Bortuqaal wadankaan waxoo aad uugu dhawyahay xuduudka Maroko oo u dhaxeeso Badda DhexeShacabka degen spania waxee gaarayaan ilaa 46030109 oo qof magaalo madaxda wadanka waa Madrid Wadanka Isbania waxoo leeyahay 17 gabol iyo 15 magaalo oo waa weyn oo muhiim u ah
Taariikh
ikytyuy
daahir cali waa ninka dunida ugu caansan xaga jacaylka ama habwanaaga loola dhaqmo dumarka
loola dhaqmo
hadaba kabogasho wacan sheekooyikiisana waxaan idiinsoo gudbi doonaa asbuuca soosocda isha allaah
Jamhuuriyad waa hab maamul ee wadan kaas oo aanan aheyn Boqortooyo
Jamhuriyadda res publica
Faransiiska
Jamhuuriyadda Jabuuti
Jamhuriyadda Kiinya
Jamhuriyadda Soomaaliya
Jamhuriyadda Turki
Jamhuuriyadda federaalka ee jarmalka ama
Jarmalka waa wadan u dhisan dhinaca federaalka waxoona ka koobanyahay 16 GobolWadankaan waxoo ku yaalaa Bartamaha qaarada Yurub waxoona xad la wadaagaa wadamada Faransiska Denmark Luksemburg BeljimHollandswitzerland AustriyaJamhuuriyadda Czech iyo Boland Magaalo madaxda wadanka waa Berlinwadanka jarmalka markiisa hore woo kala qeebsanaa waxeena isku keentiisa ee dhamaatay 1871dii dagaaladii aduunka kii labaad ayaa wadanka jarmalka la kala qeebiyay ka bilaabato 1949kii ilaa 1990kii waa markii oo wadanka mar kale midoobay Jarmalka waxoo leeyahay Taariikhda ugu dheer ee qaarada YurubWadanka jarmalka waxaa degen dad gaaraayo ilaa 83miliyan oo qof waa wadanka ugu dadka tirada badan qaarada Yurub waana wadanka Ugu dhaqaalaha xoogan qaarada Yurub Dhaqaalaha jarmalka waa dhaqaalaha sadaxaad oo ugu weyn aduunka waxoo ku xigaa mareykanka iyo Jabaan Wadankaan waa wadanka ugu dhoofiska badan matoorka qaarada yurub
Taariikh
Wadanka Jarmalka waa wadanka ugu taariikhda dheer Yurub waxaana laga helay dadkii horay u degenaan jiray raadkoodii 700000 oo sano kahor Dadkii biniaadanka hadda jiro ka xooganaa oo la dhihi jiray Neanderthal intii eesan isku bedelin biniaadanka hadda jiro 40000 oo sano ka hor waxee ku noolaan jireen wadanka Jarmalka
Juqraafi ahaan
Juqraafi ahaan wadanka Jarmalka waxa uu kuyaalaa Bartamaha iyo Galbeedka Qaarada Yurub waxa uuna xuduud la leeyahay
wadanka Denmark dhanka waqooyi Boland iyo Jamhuuriyada Jeeg dhanka Bari Austriya iyo Iswisarland dhanka koonfureed Faransiiska iyo Luksemburg dhanka Koonfur Galbeed Beljim iyo Holland dhanka Waqooyi Galbeed
Jasiirad Dhuleedka Carabta Af-Carabi شبه الجزيرة العربية waa jasiirad dhuleed oo ku taalo koonfur bari ee qaarada Aasiya waxee ku taalaa meesha ee afrika iyo aasiya ee iskaga dhagaayaan oo ah Siinaadalka ugu weyn jasiirad dhuleedkaan waa Sacuudi Carabiya waxeena daris la tahay dallalka kala ah
Yaman
Cumaan
Imaaraatka Carabta
Kuwayt
Qatar
Baxrayn
Urdun
Ciraaq
Baaxada jasiirad dhuleedkaan waa 3237500 km2
Jumada al-thani waa bisha shanad ee Sano dayax ama Hijriyad
Maalintiris ama KalandarHILAADTUS-KA waxaa loo yaqaanaa jadwalka taariikhda kaasoo ay ku qoran yihiin Sanad Shimil-kaka bilaha usbuuc Todobaadkayada iyo maalmaha
Waxaan jeclaan lahaa in aan soo gudbiyo erayga ugu haboon tarjumidda af Somaliga waana "Maalin tiris" W Q Abdulrahman Shiinka
Kanaalka Suwees Carabi قناة السويس waxa uu ku yaal wadanka Masar waa meel biyo mareen ah oo isku xirto Badda Dhexe iyo Badacas waxaana la furay 1869ii
iyadoo ujeedadu ay aheyd in ganacsatada Yurub iyo Aasiya ee u fududaato jidkii ee wax ku kala ganacsan jireen oo ahaa in ee afrika ku soo wareegtaan
Kanaalka Suwees waa kanaalka ugu dheer adduunka oo ay maraakiibta maraan Dhirirkiisa waa 1622 kilomitir balaciisana waxoo u dhaxeeyaa 300 ilaa 365 mitir
sameyntiisa waxa ay qaadatay ilaa 10 sano iyadoo shaqaalihi ka qeybqaatay dhismahiisa aya gaarayeen 15 miliyan oo qof waxaaana shaqadaas ku dhintay 120000 qof oo shaqaale mid faransiis oo ingineer ah ayaa soo alifa quditaanka kanaalka suwees waxaana la dhihi jiray Ferdinand de Lesseps
Khamiis waa maalin usbuuceed waxeyna u dhaxaysaa Arbacada iyo Jimcaha
Khamista waa maalinta lixaad ee usbuuca dhicana istandharka ISO 8601 waxay ka tahay maalinta afaraad ee usbuuca
luqada Ingiriiska waxaa laguyiraahdaa Thursday mida Finnishakana torstai
Todobada maalin ee Todabaadka
Sabti
Axad
Isniin
Talaado
Arbaco
Khamiis
Jimco
Kiinya waa wadan ku yaal bariga Afrika Waxey xal la wadaagtaa wadamada Tansaaniya Ugaandha Harta Fiktooriya Soomaaliya iyo Itoobiya Dhinaca barina waxaa kaga dhagan Badweynta Hindiya caasimada wadanka Kenya waa Nayroobi
Wadanka kiinya waxoo ka mid yahay wadamada ee ku badan yihiin Xayawaanaadka ee Qaarada Afrika
Sida Libaaxa Waraabaha iyo Shabeelka waa wadan ee dad'ka aduunka soo dalxiisaan oo na dhaqaalo hiisa kor u socdo wadanka magaciisa waxaa lagu magac daray Mount kenya ama buurta kiinya Waa buurta ugu ween wadanka kiinya waa na midda labaad oo ugu ween
qaarada afrika waayadi hore waxaa la dhihi jiray wadanka British East Afrika waa marki oo ingriiska gumeensan jiray kenya iyo yugandha
Taariikh
waayadii hore inta oo wadanka soo galin gumeesigii ingriiska wadanka gudihiisa waxaa ku noolaa dad ayaga ismaamuli jiray oo bantu ah ama jareer laakiin dhinaca xeebaha waxaa ganacsi ka sameen jiray carabta oo waqtigaas ka ganacsan jirtay bariga afrika Bortuqiiska waqtiga oo maamulkiisa bilaabay 1500 waxee la canacsan jireen carabta oo waagaas ka shaqeenaayeen magaalada Mombaaso Dadka bantuga ahaa oo degenaan jiray gudaha dalka Kenya uma shaqeen jirin sida dadka degenaa xeebaha Laakiin dadka masaayda ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq dhinaca xukunka ah taariikhda marka ee eheed 1800 laakiin dhaq dhaqaaqaas woo joogsaday sanado badan kadib markii oo wadanka qabsaday cudur oo xoolaha dhameeyay Wadanka kenya gaar ahaan dhinaca xeebaha waxoo markiisa hore ahaa meel ee carabta ku ganacsan jirtay adoomada gaar ahaan meesha ee carabta u gaarka eheed ee zanzibar Kenya waxaa qabsaday Ingriiska taariikhda marka ee eheed 1895tii Muran ayaa ka socon jiray shirkii barliin oo ahaa meesha dhulalka lagu kala qeebsan jiray shirkaas waxoo ku dhamaaday ingriiska oo qaatay Zanzibarkenya iyo Yugandha waxaana loogu magacaabay Ingriiska Bariga AfrikaMarkii la dhameeyay jidkii tareenka oo ku yaalay meesha biyo deegaanka ah ee fiktoriya 1902dii waxaa lagu go'aan gaaray in ee shacab yurubiyaanka ee u so guuraan kenya intii ee san jecleesan wadankii la dhihi jiray Rhodesia oo maanta ku yaalo Simbaabwi iyo Koonfur AfrikaKenya waxee laheed dhul beeraad aad u weyn dhulkaas neh waxaa degay ajaanibta ingriiska isla markaas neh dadkii u dhashay dalka kenya gaar ahaan dadka Kikuyuga ah iyo dadka Masaayda ayaa la soo dajiyay dhulka waxaana loo sameeyay shaqo oo wax soo saarkooda loo dhoofin jiray wadamada yuubiyankabadanaa dadka qaarkood lacag raqiis ee ku shaqeen jireen ama amar Kenya waxee ingriiska ka xoroowday 1963diiby dalmar
juquraafi
kiinya waxoo ku fadhiyaa dhul balaaran oo gaaraayo 580367 km2 waxee ka midtahay wadamada waaween Kiinya waa wadanka affartan iyo todobaad oo ugu ween Aduunka
kiinya waxee xuduud la leedahay wadamada Tansaaniya Ugaandha Harta Fiktooriya Soomaaliya Itoobiya konfur sudan
Jawiga
jawiga kiinya waa kuleel dhinaca xeebaha
woqooyiga kiinya waa meel doog ah oo roob badan ka dain
roob badan ayaa kiinya ka dao bilaha Maarso iyo Maajo
roob yar neh waxoo da'aa Oktoobar iyo Nofeembar
xaraaradaha neh Kuleel ayoo ku egyahay
dhaqaale
wadanka kiinya sida oo u xoroway dhaqaalihiisa kor ayoo u socdaa
waxeena soo saaraan sonkorbiyaha macaanka qamadi qamri warqado nalal alaabta baabuurta iyo wax badan oo kale
dadka aduunka neh wee u soo dalxiisaan Dhaqaalaha Kenya maanta woxoo gaaray Dhaqaalaha ugu xoogan bariga afrika wadanka kenya woxoo ku dadaalooyaa horumarinta shacabka kenyaatiga iyo dhismaha dalka
Magaaloyaasha
Nayroobi- 3138295qof
Mombaaso- 707400qof
Kisumu- 322024qof
Nakuru- 319200qof
Majakos-144109qof
Waqooyi bari
Xigasho
Maalin
Maalin ingiriis Day waa cabir ka mid ah halbeega wakhtiga oo ah wakhtiga ileyska
qoraxdu dul joogo oogada sare ee Dhulka
Sidoo kale marka la fiirinayo kalandarka maalmaha Maalin waxaa loo yaqaanaa 24 saacadood taas oo lagu xisaabinayo wakhtiga habeenkii
Kalandarka Islaamka maalintiisa waxay bilaabataa Qorax soo bax iyada oona dhamaata marka ay qoraxdu dhacdo dhanka sanadka miilladigana maalinta ay isbedesho habeen barkii
Sanadka miilaadiga bishiisa sedexaad waxayna u dhaxaysaa bilaha Febraayo iyo Abriil Bisha Maarso waxay ka koobantahay 31 maalmood waxaana loo soo gaabiyaa Mar
Miilaadi Waa magac tirsi-sanadeed wuxuu ka soo bilowdaa dhalashaddii Nebi Ciise wuxuu ka koobanyahay 12 bilood oo ku kala dhamaada 28 29 30 iyo 31 Taariikhda miilaadiga waxaa lagu xisaabiyaa tirs-bileed mana la xiriiro dabiicadda sida dayaxa iyo qorraxda
Bilaha Miilaadiga
Bilaha Miilaadiga
Janaayo
Febraayo
Maarso
Abriil
Maajo
Juun
Luuliyo
Agoosto
Sebteembar
Oktoobar
Nofeembar
Diseembar
Muqdisho Af-Taliyaani Mogadiscio Carabi مقديشو Xamar Carabi حَمَر waa caasimada Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya waxa ayna ku taalaa galbeedka Badweynta Hindiya waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadax jiho
Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladani la aas'aasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga
Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo Yurub inta aan la qodin Kanaalka Suwees iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad
Magacaabida Magaca Muqdisho
Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca Muqdisho asal ahaan meesha uu kasoo jeedo waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray Xamar iyo magacyo kale oo lamid ah sida Xamar weynexamar jab jab Xamar Cadexamar iyo xamar daye waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay sida isbedelada xaga qaabka dhismaha degaanka iyo Siyaasaddaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca XAMAR uu horeeyay laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha Xamar oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca Xamar
Micnaha Xamar carabi ahaan waa Alxamraa qaar kale neh waxey ku macneeyeen oo sheegeen inaay ka timid kalmada Ximyar oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay yemen Dawladdaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo kamid ah magaalada Muqdisho
Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada Maqcad Shaah oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto sida lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida Maqcad Shaah waxeyna u bedeleen magaca hada Muqdisho kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor maka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku lahaayeen maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay badi taariikhyahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta aay magaaladaas soo shaac bixin waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii aay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad looga yaqaanp gobolka taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka kooban Zinjibaar Somaaliya Jabuuti loogu yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrikasomalia byyyyyyyy
Qaar kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu yaqaan kuwaas oo horsed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido bariga bartamaha iyo koonfurta Afrika dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah
Asaasidii Magaalada Muqdisho
Taariikhyahanada waa aay isku qilaafsan yihiin waqtiga la aasaasay magaalada muqdisho qaar kamid taariikhyahanada yurub ayaa sheegay in magaalada Muqdisho la aasaasay qarnigii 7aad ama 8aad ee miilaadiga laakin kuwo badan ayaa waxey sheegeen wax taasi qilaafsan
Kitaabka taariikhda magaalada Baata xeebta Afrikada bari ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga kadib markuu maqlay wararka magaalooyinkaas wuxuu markaas rajeynaayi inuu halkaas ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag Suuriyiin kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka Baata Malindi Zinjibar Laamo
Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn
Markii Islaamka uu ku faafay magaalada Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa dadkaas oo halkaas ka abuuray ganacsi
Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka noqoto Minaaradii diinta ee Afrika dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin magaciisa la dhihi jiray "Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed" ninkaan wuxuu kasoo jeeday reer "Banii Cafaan" wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii 149 hiriyada MIcnaha Muqdisho "Muqa ayey DISHA"
Ibn Batuuta iyo Muqdisho
socday ku dhaheen ninkaan maaha ganacsade ee waa Faqiih markaas ayey qeyliyeen dhalinyaradii iyagoo ku dhawaaqayay
ninkaani wuxuu marti u yahay Qaadiga magaalada
Waxey igu dhaheen waxaa caado inoo ah markuu magaalada yimaado Faqiiq ama Shariif amaba nin wanaagsan waxaa markiiba loo geeyaa Qaadiga magaalada si uu ula kulmo Suldaanka markaas ayaa waxaa ley geeyay Suldaanka magaalada oo aan la kulmay
Ibnu Batuuta warbixintiisa wuxuu uga waramay qaabkii wanaagsanaa ee loo soo dhaweeyay iyo marti soorkii ee sadexda maalin ah ahaa ee aay reer Muqdisho u sameeyeen
Ibnu Batuuta wuxuu yiri maalintii afaraad ee booqashadeydi magaalada Muqdisho ayaa waxaa ii yimid Qaadiga magaalada iyo ardayda iyo mid kamid ah wasiirada waxeyna iikeeneen maro "macawis" iyo maro kale garbaha lasaarto iyo camaamad sida kuwa masaarada oo kale sidoo kale waxe maryo kuwaan oo kale u keeneen dadkii aniga ila socday kadib waxaan soo aadnay Masjidka jaamica Suldaanka ayaan salaamay kadib asigana wuxuu igula hadlay afka Carabiga asiga oo dhahay "Qadamta kheyra maqdam wa sharafta bilaa dana wa aanastanaa" taas la micno ah "waxaad timid meel kheyr badan wadankeena ayaad sharaftay waadna nasoo wehlisay"
Masaajida Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxey ku caanbaxday masaajido waaweyn oo taariikh fog leh oo ahaan jirtay goobahii cilmiga loo soo doonan jiray lagana baran jiray culuunta kala duwan waxaan looga imaan jiray geeska afrika oo dhan waxaa masaajidadaas aay ku caan baxday xalaqaadka tafsiirka Xadiithka fiqhiga
maamulkii Muqdisho ka jiray waxey ku tartami jireen dhisida masaajida iyo gaabaha lagu barto diinta Islaamka
Masaajida Muqdisho waxaa ka mid ah -
1- Masjidka Xamar-Weyne jaamaca waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir
2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga
3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan
4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen ‘’ BAR SAVOY’’
Sawirada Xamar
Inta duq magaalo ee soo martay Muqdisho 1930 1990
1 DrCampani Romeo Podesta 1936 Disembar 1-da-k
2 Rag Scarpa Podesta 15-k-k Disembar 1937
3 DrSicar Podestà 1-DII Maarso 1937-k
4 Dr Barbino Luigi Podestà 3-1937-k da Juun
5 DrBaudino Marcelio Podesta Aviazione Capitano da Novembar 1-1937-k
6 DrGuliano Sanatore Podestà Disembar 1938-k
7 Dr Bartelli Pietro Commisario straordinario Febraayo 1941-gii
8 Oliviero Oliveri Commisario straordinario april 1950-K
9 DrAliviero Enrico 1950 Juun-k
10 e Vecco Carlo Novembar 01953-K11
11 cali cumar sheegow 1953-1956
11 Maxamed Shiikh Jamaal Cabdullaahi Duq Magaalo 1956-1960 k
12 Axmed Muudde Xuseen Duq Magaalo Novembar 1960-1962 k
13 DrKeynadiid Axmed Yuusuf Commisario straordinario 30-kQ kQ Agoosto 1962-1963
14 Shariif Maxamed imaankeey Duq magalo Septenber 63-1965 k
15 Cumar Xasan Maxamuud Cumar Istarliin 1965-1966 Febraayo k
16 DrShariif Maxamed Caydaruus Duq Magaalo Maarso 1966-1970-k
17 G Sare le Axmed Maxamuud Cadde Commisario straordinario 20-K-K Novembar 1970
18 Gaashaanle Sare Cusmaan Maxamed Jeelle Commisario straordinario 8-dii Disembar 1970-k
19 Gaashaanle Sare Xasan Abshir Faarax 028-kQ Magaalo Duq Maarso 1973 KQ
20 Yuusuf Ibraahim Cali Abuuraas Duq Magaalo Febraayo 1976-k
21 DrCabdullaahi Salaad Warsame Duq Magaalo Maajo 1981-k
22 Gaashaanle sare Xasan Abshir Faarax Duq Magaalo 1982-k
23 Cali Ugaas Cabdulle Duq Magaalo 1987-k
24 Sayid Cumar Xaaji Maxamuud Duq Magaalo Jannaayo 16-1990-k k
25 Sarreeye Guuto Axmed Jilacow Caddow Duq Magaalo 18-K-K Oktoobar 1990
26 sareeye guuto Faarax Muuse Maxamed Ilay
cabdinasir hirsi 1990 k oo ahaan jiray barae sare oo jamacadaha wadanka
Xasan Maxamed Xuseen"Muugaab oo ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir 2014
Dawladihii iyo Maamuladii Muqdisho ka talin jiray
Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee halkaas soo degay qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaail soomaaliyeed katirsan ee dega kofirta Soomaaliya
Waxaa Dawladdahaas kamid ahaa
1- dowladii Ximyar waqtigii ‘’ Ascad ibn Karb ‘’ oo ahaa mid kamid ah boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga Dawladdaan waxey kaloo soo xukuntay magaalooyinka’buurhakaba’ Marka’’ baraawa baardhere
2- dowladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan
3- dowladii Xalawaan oo Muqdisho ka talineysay qarnigii bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga waxaan magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq
4- dowladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay
5- dowladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriga Dawladdaas waxey ku caan baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi
6- dowladii Faqrudiin oo aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin qarnigii 13aad ee Miilaadiga kadib markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho deganaa
7- dowladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii 1502 Miilaadiga Burtaqiiska waxey dadkii Muqdisho deganaa kala kulmeen iska cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi
8- dowladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga
9- dowladii saldanadii reer Cumardiin geledi oo xukun tay intay inta badan kifirta soamali oo la dhihijiray suldan yuusuf oo xaruu tiis way agayd afgooye
10- dowladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga markaas waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee joogay Sinjibaar
11- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga kadib markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba
Bilowgii 50 meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah intii lagu guda jiray xurnimo raadinta 1950-1960
1960 kii markii xurnimada la helay waxey magaalada Muqdisho noqoday caasimada dalka Soomaaliya
muqdisho wa mid kamid amagaalooyinka caalamka ugu waawayn
Magaalooyinka la mataanka ah
Cimilada Muqdisho
Tareen
Tareenkii isku xiri jiray Muqdisho iyo Jowhar Villaggio Duca Degli Abruzzi
Qaamuus waa buug oo erayga ama luqadaha fasiro
qaamuuska waxoo kuu fasiraa ama kuu turjumaa luqadaha kale
badanaa qaamuusyaasha waxaa lagu tixay alifbeetada si oo u fududaado radinta xarafka aa raadineesid
Qaamuus finnish-soomaali-finnish
Qaamuus Soomaali-Ingriis
Qaamuus Soomaali- Faransiis Français
Qaamuus Soomaali-Ingiriis-Jarmal
Qaamuus Soomali Ingiriis talyaani italiano
Qaamuus Esperanto
Esperanto
Qaamuus Esperanto-Jarmal
Krause Esperanto- Deutsch Jarmal © Helmut Buske Hamburg 1999 ISBN 3-87548-193-3 wwwbuskede
Qaamuus Jarmal-Esperanto
Krause Deutsch Jarmal-Esperanto © Helmut Buske Hamburg 2007 ISBN 978-3-87548-466-3 wwwbuskede
Qarni waxaa lagu soo koobaa 100 sano
Sadex
Sadex ingiriis Three waa tiro xisaabta ka mid ah oo u qoranta 3 taas oo ah godka sadexaad ee tiroda
Tiroda sadex waa lambarka afaraad ee guud ahaan tirada waxaana ka horeeya eber kow iyo labo Sidoo kale waxay ka tirsan tahay godka tirada ee Hal-godleey
Sadax ama 3 waa tiro
Xisaab ahaan
waa tirada ugu horeeysa ee kisiga
Jadwalka Lambar Sadex
Liiska Tirada
Qoraalo La Mid ah
Aasaaska Tiro
10ka Lambar ee u horeeya
Aasaaska Xisaabta
Lambar
Tiro
Iskugeyn
Kalagoyn
Iskudhufasho
Iskuqaybin
Jajab
Dhaban
Kinsi
Xisaab
Xigasho
{cali cabdulle cabdi sii aad waax ugu oogaato fadlan +966595840604cali waxaas waxabadaan kahaaya tarikhda somali ee 6lixdinkiy
{Infobox country
|conventional_long_name Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
|native_name
|common_name Somalia
|image_flag Flag of Somaliasvg
|image_coat Coat of arms of Somaliasvg
|image_map Somalia orthographic projectionsvg
|map_caption
|national_motto
|national_anthem [
|official_languages
|demonym
|ethnic_groups